• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Sunday, January 17, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo gaaray Baydhabo

September 2, 2018
in Wararka
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Baydhabo oo ahayd mid aan horay loo sii shaacin, waxay ujeedadeedu tahay ka qayb galka aaska Marxuumad Maamo Haajaro Cali Aadan oo ahayd hooyada Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlammaanka Soomaaliya, taas oo shalay isla magaalada Baydhabo ku geeriyootey.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa socdaalkan ku weheliya mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ay kamid yihiin Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta iyo xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal ee Baarlammaanka Soomaaliya.

Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed oo Madaxweyne Shariif Xasan hoggaaminayey ayaa wafdiga Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Baydhabo, waxaana intaas kaddib loo sii gudbiyey xabaalaha uu aasku ka dhici doono.

Aaska kaddib Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in uu muddo saacado ah Baydhabo kusii negaado, isaga oo kulammo la qaadan doona madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah madaxda dhaqanka ee Baydhabo.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa la adkeeyay iyadoo aaska hooyada guddoomiyaha baarlamaanka ay ka qeybgaleen madax faro badan.

Safarka ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ku soo beegantay xilli ay madaxda dowlad goboleedyada ay isu diyaarinayaan kulan ugaga furma magaalada Kismaayo.

BandhigaMedia 2018

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

January 17, 2021
Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Miinooyin ku leynayo saraakiisha ugu firfircoon ee C.Q.S

Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Miinooyin ku leynayo saraakiisha ugu firfircoon ee C.Q.S

January 17, 2021
Soomaali laga soo celiyay Mareykanka oo Muqdisho ka soo dagay iyo sababha ka dambeysa oo la ogaaday

Xog laga helay Soomaalida laga soo celiyayy Mareykanka iyo ujeedka ka dambeyb oo la ogaaday

January 17, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In