Wararka nagasoo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shirkii golaha iskaashiga ee maamul goboleedyada oo lagu waday inuu maanta ugaga furmo madaxda maamul goboleedyada magaalada Kismaayo uu dib u dhac kuyimid.
Dib u dhaca shirka ayaa yimid kadib markii uu maanta gaaray magaalada Kismaayo ergeyga gaarka ee qaamada Midoobay Keating uuna kulan la yeeshay madaxda maamul goboleedyada oo dhammaantood ku sugan magaalada Kismaayo.
Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in danjire Keating uu ka codsaday madaxda maamul goboleedyada inay dib u dhigaan shirka isla markaana laga wadahadlo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex jira maamul goboleedyada dalka iyo dowlada federalka ah.
Si rasmi ah looma oga xilliga uu bilaabanayo shirka balse warar ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada ay aqbaleen in illaa beri shirka dib loo dhigo.
Shirkan madaxda maamul goboledyada ay ku yeelanayaan magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmay xilli uu dalka safar dibada ugaga maqan yahay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Bandhiga Media 2018