Kismayo (Bandhiga Media)-Maamulka Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in ay faragalin ku heyso maamulkooda, sidaas waxaa sheegay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo u warramay VOA.
Waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay ciidamo gaar ah oo aan ka amar qaadan Jubbaland geesay deeganno badan oo ku yaalla goballada Jubbooyinka iyo Gedo, isla markaana loo fasirtay in ay yihiin jabhado la rabo in lagu kiciyo maamulka Jubbaland sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland waxa kale oo uu sheegay in madaxda sare gaar ahaan ra’iisal wasaare ku xigeenka in markii ay daadadka ku dhufteen gobalka Gedo inta ay iyaga la xiriiri lahaayeen si deeqo loo gaarsiiyo, ay xiriir la sameeyeen guddiyo iyo dad gaar ah kuwaasoo uu ku sheegay kuwa aan mideysneen.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo jeediyey in dowladda looga fadhiyo haddii ciidan loo sameenayo goballada qaar gaar ahaan Gedo in lala socodsiiyo maamulka Jubbaland maadama ay ka arrimiyaan halkaas.
Bandhiga Media 2018