Madaxweynaha K/ Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay uu la kumay Wasiirada maamulkaasi.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay in Golaha Wasiiradu uu ku wargaliyay in gabi ahaan ay joojiyaan wadashaqeyntii kala dhexeysay Wasaaradaha dhexe ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan halka uu ka soo bilowday khilaafka cusub ee u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaasi kulan gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.
Madaxweyne Gaas iyo Wasiiradiisa ayaa la sheegay in ay isla garteen in gabi ahaan la hakiyo xiriirkii kala dhexeeyay DFS, sida ay ku warramayaan ilo ku dhow kulankaasi.
Madaxweyne Gaas iyo Wasiiradiisa ayaa la sheegay in ay isla garteen in gabi ahaan la hakiyo xiriirkii kala dhexeeyay DFS, sida ay ku warramayaan ilo ku dhow kulankaasi.
Arrintan ayaa sare u qaadeysa xiriirka sii xumaanaya ee haatan u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyad dalka.
Bandhiga Media 2018