• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Saturday, January 23, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Gudoomiyaha BFS oo kulan la qaatay Mukhtaar Roobow iyo musharaxiin kale oo usharraxan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya

September 13, 2018
in Wararka
0
492
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Guddoomiyaha  aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursale Sheekh C/raxmaan ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay illaa todobo musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Kulankan oo saacado qaatay ayaa looga hadlay is bedel ka dhaca Koofur Galbeed iyo doorashada soo socota ee Madaxweynaha Koofur Galbeed oo dhici doonta bisha November ee soo socota

Ilo ku dhow dhow Kulanka ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu u soo jeediyay Musharaxiinta inay la yimaadaan tanaasul, isla markaana ay hal Musharax ku midoobaan.

Xubnaha Musharaxiinta ee kulankan ka dhex muuqday waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti, Wasiir hore Yuusuf Macalin Amiin Baadiyow oo abti u ah Shariif Xasan.

Sidoo kale Musharaxiinta waxaa ka mid Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo aan weli si rasmi ugu dhawaaqin musharaxnimadiisa, balse siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda la wadaagay damaciisa ku wajahan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Musharaxiintan ka horjeeda Shariif Xasan ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ee soo socota ay u ambabaxaan magaalada Baydhabo, si ay u bilaabaan ololahooda doorashada.

Dowladda Federaalka ayaa sida muuqata wadata musharax gaar ah oo ku guuleysta xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, si ay meesha ugu saarto in dib mar kale u soo laabto Shariif Xasan Sheekh Aadan oo 10-kii sano ee u dambeeyay saameyn ku lahaa siyaasadda dalka.

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Shirweynaha qiimeynta khataraha lacag-dhaqidda oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha qiimeynta khataraha lacag-dhaqidda oo ka furmay Muqdisho

January 23, 2021
Turkiga oo Soo Bandhigay Markab Dagaal oo casri ah oo isla Turkiga lagu sameeyay

Turkiga oo soo bandhigay Markab Dagaal oo casri ah oo isla Turkiga lagu sameeyay

January 23, 2021
Xogtii ugu dambeysay Ma ciidamo Soomaali ah ayaa ka dagaallamay Tigraay?

Xogtii ugu dambeysay Ma ciidamo Soomaali ah ayaa ka dagaallamay Tigraay?

January 23, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In