• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Wednesday, April 14, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuummadda Soomaaliya oo looga hadlay qodobo dhowr ah

September 13, 2018
in Wararka
0
492
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Golaha wasiirrada Xukuummadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen siyaasadda dawladda ee hantida qaranka iyo hannaanka saxiixyada heshiisyada caalamiga ah.

Shirka golaha wasiirrada ayaa ugu horayn looga dooday siyaasadda hantida qaranka, waxaana falanqayn dheer kadib la isku raacay in guddi qaran oo heer wasiirro ah loo saaro tirakoobka iyo diiwan gelinta hantida qaranka si ay warbixin dhamaytiran uga keenaan hantida ay dawladdu leedahay.

Golaha ayaa magacaabay guddi ay hoggaaminayaan garyaqaanka guud iyo wasiirka hawlaha guud, dib u dhiska iyo guryaynta si ay baaritaan ugu sameeyaan shuruucda dalku lahaa ee lagu maamulo hantida qaranka, kadibna ay golaha ugu soo gudbiyaan kulanka xiga, si xukuummaddu ay ugu salayso siyaasadeeda ku aaddan ilaalinta hanitada qaranka.

Kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xassan Cali khayre ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

Muqdisho-Somalia.             

 

 

 

Share197Tweet123Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
General Odowaa o hambalyo u diray ciidanka xooga

General Odowaa o hambalyo u diray ciidanka xooga

April 12, 2021

Midowga murashaxiinta o ka digay mudo kororsi ay sameeyan Golaha shacabka

April 12, 2021
Mucaaradka Jabouti o ka hadlay Doorashadii dalkaas ka dhacday

Mucaaradka Jabouti o ka hadlay Doorashadii dalkaas ka dhacday

April 11, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In