Madaxwaynaha Puntland ayaa Zaynab Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan usoo magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliydda ee Puntlnad, kaddib markii uu xilkaas bishan September 5teedii iska casilay Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam oo loo doortay duqa degmada Boosaaso.
Digreeto sumaddeedu tahay (Xeer Madaxwayne Lr. 121) oo kasoo baxday xafiiska Madaxwayne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, kuna taariikhaysnayd September 13, 2018, ayaa lagu sheegay in xilkan Madaxweynuhu usuoo magacaabay Marwo Zaynab, kaddib markii uu tixgeliyey aqoonta iyo khibradda shaqo ee ay howshan u leedahay.
Zaynab Ugaas Yaasiin ayaa kamid ahayd baarlammaankii ugu horreeyey ee Puntland, waxay sidoo kale horay usoo noqotay wasiir ku xigeenka wasaaradaha haweenka iyo caafimaadka xilligii uu Puntland madaxwaynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Maxamad Maxamuud Faroole.
Muddadii ay socotay doorashadii dadbanayd ee lagu soo dooranayey xildhibaannada Aqalka Hoose, Zaynab Ugaas waxay xubin ka ahayd Guddiga Doorashada Heer Gobol ee Puntland.
Waa markii saddexaad ee Madaxweyne Gaas soo magacaabo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, tan iyo markii uu xilka qabtay January 8, 2014.