Wasiirrada Caafimaadka ee dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia ayaa si wadajir ah maanta oo Jimce ah xarigga uga jari doona wajiga koowaad ee Ololaha Tallaalka Cudurka Dabaysha ee deegaannada dhaca xuduudka saddexda dal ay wadaagaan.
Wasiirrada ayaa sidoo kale ka wada xaajoon doona sidii ay dalalkoodu iskaashi fiican uga yeelan lahaayeen horumarinta adeegyada caafimaadka iyo ka hor tegista cudurrada faafa iyo kuwa dilaaga ah, gaar ahaan cudurka Dabaysha oo dib ugu soo laba kacleeyey gobolka Geeska Afrika.
Sicily Kariuki oo iyadu ah Wasiirka Caafimaadka Kenya, islamarkaana shir guddoomin doonta kulanka wasiirrada, ayaa sheegtay in wajiga koowaad ee ololaha tallaalku qabsoomi doono 15ka ila 19ka bisha September, halka wajiga labaad la qaban doono bartmaha bisha soo socota ee October.
Dhinaca Soomaaliya, gobollada ololaha tallaalka laga fulin doono ayaa ah kuwa xuduudka la leh dalalka Kenya iyo Ethiopia, gaar ahaan Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bakool, Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo Nugaal.
Kenya gobollada tallaalku ka qabsoomi doono ayaa iyaguna kala ah Nairobi, Wajir, Garissa, Mandera, Lamu, Tana River, Meru, Kitui, Machakos, Isiolo, Kiambu, iyo Kajiado. Halka dalka Ethiopia-na la beegsan doono deegaanno badankoodu ka tirsan ismaamullada Oromada iyo Soomaalida.
Cudurka Dabaysha oo horay loo shaaciyey in laga ciribtiray dalka Soomaaliya, ayaa Qaramada Midoobay waxay sannadkii 2013 iclaamisay in cudurkaasi dib uga dillaacay Soomaaliya, kadib markii keyskii ugu horreeyey laga helay gabar yar oo ku nool mid kamid ah kaamamka barakaceyaasha ee magaalada Muqdisho.