Ugu yaraan 12 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen Duufaanta Mangkhut ee ku dhufatay waqooyiga dalka Filibbiin.
Dadka badankooda waxaa dilay guryo kusoo dumay, halka qaar kalena uu dhulku la go’ay kaddib fatahaado iyo daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo da’ayey 24kii saac ee lasoo dhaafay.
Dowladda Filibbiin ayaa dad tiradoodu kor u dhaafayso 87,000 ka daad guraysay deegaannada halista ugu jira in khasaaraha ugu badani ka dhaco.
Duufaanta Mangkhut oo u muuqata mid xawaaraheedu sii kordhayo, waxay ku jihaysan tahay dhanka Hong Kong iyo koonfurta dalka Shiinaha.
Waa duufaantii saddexaad ee muddo bil gudaheed ah caalamku wajahayo, iyadoo muddo asbuuc gudihiis ah ay dhaceen duufaanta Jabi ee ku dhufatay waqooyiga dalka Japan, Duufaannta Florence ee ku dhacday koonfur bari dalka Maraykanka iyo Duufaanta Mangkhut oo ee hadda garaacaysa waqooyiga dalka Filibbiin.
Ku dhowaad 50 qof ayaa ku geeriyoodey saddexda dufaanadood iyadoo ay ku burburtay hanti wadarteeda lagu qiyaasay balaayiin doolarka Maraykanka ah.
Culimada sayniska ayaa horay uga digay in hawada sii kululaanaysa ee dunidu khal khal gelin doonto cimilada, taas oo mararka qaar sababi karta duufaano xoog badan amase abaaro daba dheeraada.