Madaxda dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa maanta oo Axad ah heshiis hor leh ku kala saxiixan doona magaalada Jaddah ee dalka Sucuudiga. Heshiiskan oo Boqortooyada Sucuudigu garwadeen ka tahay, wuxuu daba socdaa heshiis nabadeed oo ay labada dal horay u wada gaareen bishii July ee lasoo dhaafay.
Munaasabadda ay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki dukumiintiyada heshiiska ku saxiixayaan, waxaa goobjoog ka noqon doona madax ay kamid yihiin Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo Hoggaamiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.
Afhayeen u hadlay Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa heshiiska maanta magaalada Jeddah ka dhacaya ku micneeyey mid dhidibbada loogu sii aasayo islamarkaana lagu sii xoojinayo xiriirka soo hagaagaya ee u dhexeeya labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea.
Dadka ka faallooda siyaasadda Geeska Afrika qaarkood, ayaa qaba in arritani wax badan soo kordhin doonin, ujeedada ugu weyn ee ka dambaysana ay tahay sidii Dowladda Sucuudigu caalamka ugu muujin lahayd in ay qayb libaax ka qaadatay xal u helista xiisaddii siyaasadeed ee muddada dheer ka dhex taagnayd dalalka Eritrea iyo Ethiopia.
Qaar kale oo kamid ah khubarada ka faalloota arrimaha siyaasadda, waxay aaminsan yihiin in heshiiskani si gaar ah guul ugu yahay micne weynna ugu fadhiyo Dowladda Eritrea, maadaama madal caalamka oo dhami arkayo ay heshiis kula gashay Itoobiya.
Bishii July ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii heshiis nabadeed oo taariikhi ahaa ay wada gaareen wadammada deriska ah ee Itoobiya iyo Eritrea, kaddib muddo 20 sano ka badan oo aysan wax xiriir diblumaasiyadeed ah lahayn.
Labada dal ayaa intii u dhexaysay sannadkii 1998 ilaa 2000 waxaa dhex maray dagaal galaaftay nolosha in ka badan 80,000 oo qof, dagaalkaas oo markiisii hore ka qarxay muran dhanka xuduudka ah.