Waxaa laga dayrinayaa xaaladda caafimaad ee Xildhibaan Maxamad Mursal Maxamuud Booroow, kaas oo xalay dhaawac culusi kasoo gaaray qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa xilligan lagu dabiibayaa isbitaalka Digfeer, gaar ahaan qaybta la dhigo bukaannada xaaladdoodu aadka u liidato ee daryeelka dheeriga ah u baahan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar kamid ah ehelada xildhibaanku wadaan qoshe dalka dibaddiisa loogu qaadayo, maadaama xaaladdiisu u muuqato mid aan dalka gudihiisa wax badan looga qaban karin.
Xalay ayay ahayd markii miino gaarigiisa loogu rakibay ay Xildhibaan Booroow kula qaraxday xillu uu marayey agagaarka Tiyaatarka Qaranka.
Dareewalkii gaariga ayaa qaraxaas ku geeriyoodey, waxaa sidoo kale gebi ahaan burburay gaariga xildhibaanka oo ahaa Toyota Hilux, amase nooca Xamar looga yaqaanno Qooqanta.
Ururka Al shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa lagu dhaawacay Xildhibaan Boorow.