Dhuusomareeb (Bandhiga Media): Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo la hadlay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi oo shalay looga dhawaaqay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in xubnaha guddiga ay ka kooban yihiin illaa iyo 11, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan arrimaha doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug.
Sidoo kale waxa uu xusay in maanta xubnaha guddigu ay dooran doonaan guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen, si ay uguda galaan qaban-qaabada doorashadaasi.