• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Tuesday, April 20, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Cabitaanka Koko-kola oo laga darayo xashiiska

September 18, 2018
in Wararka
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Shirkadda cabitaannada sameysa ee Coca-Cola oo si weyn loogu yaqaano sameynta cabitaanno ay ku jiraan maaddada Caffeine-ta ayaa haatan u muuqanaysa inay doonayso inay tijaabiso maadada kale ee xashiishadda.

Sida ay sheegayso warbaahinta BNN Bloomberg ee saldhigeedu uu yahay dalka Canada, shirkaddan wayn ee cabitaannada sameysa ee Coca-Cola ayaa waxa ay wadahadal ku jirtaa shirkadda maxalliga ah ee soo saarta xashiishadda ee Aurora Cannabis, si ay u sameeyaan cabitaan xashiishad lagu daray.

Cabitaankaasi ayaa la sheegay inaanan loogu talagelin in macaamiisha ay ku sarkhaamaan hasayeeshee waxaa looga gol-leeyahay in xannuunka uu ka baabi’iyo.

Shirkadda ayaa waxa ay diidday inay arrintaasi ka hadasho balse waxa ay sheegtay in ay si dhaw ula socoto suuqa cabitaannada xashiishadda.

“Sida shirkadaha kale ee ka shaqeeya cabitaannada, waxaannu si dhaw ula soconnaa kobaca cabitaannada lagu daro xashiishadda gaar ahaan maadada Cannabidiol-ka, kuwaas oo qeyb ka ah cabitaannada caafimaadka loo cabo ee dunida laga isticmaalo,” waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay soo saartay shirkadda Coca-Cola.

Maadada Cannabidiol-ka asal ahaan waa xashiishad, waxa ay gacan ka gaysataa jebinta xanuunka iyo caabuqyada ku dhaca bini’aadamka, hasayeeshee malahan wax saameyn ah oo ay qofka ku reebayso.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa xilli dalka Canada uu isu diyaarinayo inuu raaco dhabbihii ay mareen qaar ka mid ah gobollada Mareykanka kuwaas oo sharciyeeyay in xashiishadda madadaalo ahaan loo isticmaali karo, kaddib sanado dawo ahaan loo isticmaalayay.

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Abdi Farah juxa oo si cajiib ah uga hadlay Turkiga iyo Qatar

Abdi Farah juxa oo si cajiib ah uga hadlay Turkiga iyo Qatar

April 20, 2021
Ciidamo ka socdo dalka negeria oo soomaliya yimaaden

Ciidamo ka socdo dalka negeria oo soomaliya yimaaden

April 19, 2021
Wadanka uu u safray Madaxweyne Farmajo ee DRcongo maxa ka taqanah!

Wadanka uu u safray Madaxweyne Farmajo ee DRcongo maxa ka taqanah!

April 19, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In