Safiirka Dawladda Talyaaniga u Fadhiya Soomaaliya oo kulan kula qaatay xafiiskiisa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa waxey kawada hadleen dib u dhiska ciidanka Dowladda waxaana sidoo kale kulanka goobjoog ka ahaa u qeybsanaha arrimaha ciiidamada ee safaarada Talyaaniga oo dhawaan Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga soo Magacowday.
kulanka Waxaa looga Hadlay arrimo la Xiriira Iskaashiga Milatari ee ka Dhexeeya Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, waxaana diiradda lagu saaray sida Talyaniga uu Soomaaliya ugu taagero karo dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.
Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Kaalintii ay ka qaadatay Dowladda Talyaaniga dib-u-howlgalinta Isbitaalka Xoogga iyo ka qeyb qaadashada dib udhiska Ciidanka Xoogga dalka.
Dhanka kale Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in uu muuqdo qorsheyaal dib loogu dhisayo Ciidanka Xoogga dalka oo ay wado dawladda Soomaaliya, isaggoo xusay in dhankooda ay ka qeyb qaadanayaa dib udhiskaasi iyo horumarada kale ee Soomaaliya ka socda.