• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Wednesday, March 3, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Soomaaliya oo wadamada IGAD kala shaqeyneysa arrimaha nabadgalyada iyo dib u heshiisiinta

September 20, 2018
in Wararka
0
503
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Soomaaliya oo kamid ah dalalka ku bahoobay ururka Goboleedka IGAD ayaa qeyb ka aheyd aas-aaskii ururka sanadii 1986-dii oo ujeedka loo aas-aasay uu ahaa mideynta dhaqaalaha iyo dowlada wanaaga.

Aasaasayaashi ururkaasi waxay ahaayeen wadamada kala ah Djibouti, Ethiopia, Somalia, Sudan, Uganda iyo Kenya, waxa dib oga soo biirtay 1993 Erteeriya oo markaas ka xoroowday Itoobiya, waxaa kaloo dib kaga soo biiray koonfurta Suudaan 2011-kii  markii ay ka madax banaanida  ka qaadatay Sudan.

Taariikhdu markey aheyd  13-kii  bisha 9-aad ee 2016 waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu qabtay  markii ugu horreeysay Shirkii 28-aad ee aan caadiga ahayn ee sanad laha ee IGAD.

Soomaaliya oo xaalado adag ay ka jiraan ayaa diiradda saareysa siyaasadeeda gobalka sanadahan dambe,  waxaana xusid mudan in Soomaaliya ay kamid ah tahay dalalka ugu saameynta badan ururka dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Ururka IGAD ayaa qabtay shirar kala duwan oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya wixii ka dambeeyay burburkii dalka, waxaana dalalka ku bahoobay ururkan ay taageero siin jireen dowladihii dalka soo maray balse hadda Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday mid taa ka duwan.

Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kaalin buuxda ka qaadatay nabadeyta dalalka Ereteria iyo Jabuuti oo dagaal iyo colaado u dhaxeeyeen sanado badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadatay nabadeynta dalka Koofurta Suudan waxaana Madaxweyne Farmaajo uu goobjoog ka noqday shirkii bishan September lagu qabtay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaa oo mucaaradka iyo saraakiisha dowladda  ee Koofurta Suudaan ku heshiiyeen.

Maanta xaalka waa uu ka duwan yahay sida uu ahaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay oo dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay ciidan nabad ilaalin ah iney u dirto dalka colaadaha ka jiraan ee Koofurta Suudaan si loo nabadeeyo, waxaana ay aqbashay soo jeedin ururka IGAD katimid oo aheyd in dalalka ku bahoobay ururka in ay ciidan u diraan dalkaasi.

Qoraal ka soobaxay urur goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay  ayaa lagu amaanay dowladda Soomaaliya doorka ay ka qaadaneyso horumarka iyo isku keenidda wadamada Africa gaar ahaan kuwa IGAD katirsan.

Soomaaliya ayaa dib u hanatay xeriirkii kala dhaxeeyay Eretria sidoo kale waxey qeyb ka aheyd in nabad la dhex dhigo labada dal ee Eretria iyo Jabuuti.

Kaalin muuqata oo aan la dafiri karin ayeey ka ciyaareysaa Soomaaliya dalaka IGAD xili dhawaan ay  ku biirtay wadamada ku bohoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) taa oo sahleysa  in Soomaaliya ay hesho ganacsi furan oo xor ah.

Wadamada IGAD ayaa aad u soo dhaweeyay kaalinta muuqata  ee Soomaaliya ka qaadaneyso xiligan adag dalalka bariga iyo geeska Africa  oo qaarkood abaaro iyo xaalad  nabad galyo xumi wajahaya, iyadoo ay xusid mudantahay in xaalado amni iyo kuwo bini’aadanimo ay ka jiraan Soomaaliya.

U gaar ah Bandhigamedia

Share201Tweet126Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Madaxweynaha waqtiga ka dhacay oo soo dhaweeyay dadaalada xukuumadda ee xakameynta COVID-19

Madaxweynaha waqtiga ka dhacay oo soo dhaweeyay dadaalada xukuumadda ee xakameynta COVID-19

March 3, 2021
Sheeko Naxadin leh oo ka dhacday Dagmada Xamar Jajab

Sheeko Naxadin leh oo ka dhacday Dagmada Xamar Jajab

March 3, 2021
Sawirro: Turkiga oo soo bandhigay ciidan uu si gaar ah u tababarayo

Sawirro: Turkiga oo soo bandhigay ciidan uu si gaar ah u tababarayo

March 3, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In