Muqdisho: Kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta dil ka geystey xarunta Jaamacadda Soomaaliya, gaar ahaan qeybta ay ku leedahay agagaarka Isgoyska Baar-ubax ee M/ Muqdisho.
Ilwareedyo ayaa uxaqiijiyay Bandhiga Media in dilkan loo geystay Aamina Xuseen Xasan oo ka mid aheyd Ardayda Jaamacaddaasi.
Rag hubeysan oo ay indhaha u xiranaayeen ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen xarunta Jaamacadda, kadibna ay Fasalka ku dhex toogteen Marxuumadda.
Xubno ka tirsan maamulka Jaamacadda Soomaaliya ayaa Shabelle u xaqiijiyay warkan, iyaga oo sheegay in Marxuumad Aamino Xuseen Xasan ay dhiganeysay Kuliyadda Sharaceeda , islamarkaana ay waday sanadkii u daGabar ardayad ah oo lagu dilay gudaha Jaamacad kutaala Muqdishombeeyay.
Lama oga illaa iyo hadda sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya dilkaasi, iyadoona ay baxsadeen kooxihii fuliyay.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo la sheegay in ay gacanta ku dhigaeen qaar ka mid ah Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Soomaaliya.
Qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda, ganacsatada iyo dadka kale ee waqtigu ciriiriga ku yahay ayaa inta badan maalmaha khamiista iyo jimcaha wax ka barta qaar Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho.
Illaa iyo hadana ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanku ka bixiyeen dilkaasi.