Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug shir deg deg ah oo Magaalada Muqdisho ka furmaya si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas.
Waxa uu si dhaw ula socdaa khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka dhex jira madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxa uuna ka walaacsanyahay isku dhacyada qaar kamid ah beelaha deggan Gobolka Galguduud oo sababay khasaaro naf iyo maal leh.
Madaxtooyada Qaranka ayuu ka furmi doonaa shirkan laga bilaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.
“Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Galmudug in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta geeddi socodka wada hadallada iyo nabadeynta.