Weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero ayaa cusbooneysiiyay qandaraaskiisa kooxda Manchester City wuxuuna dhacayaa ilaa iyo 2021, taasoo la micno ah in 10 sano oo kamid ah xirfadiisa ku badda cagta uu ku bixiyay Sky Blues.
Aguero ayaa xilli ciyaareedkan si wacan kaga bilowday Manchester City, isagoo dhaliyey goolal dhowr ah ka hor inta uusan cusbooneysiinin qandaraaskiisa, taasoo Pep Guardiola ka muujiyay farxad weyn.
“Qaabka uu Aguero ugu dhaqaaqayo xerada ganaaxa waa mid cajiib ah Gabriel Jesus ayaana suuragal ah inuu waxyaabo badan ka barto, waana ku faraxsanahay in uu nala sii joogo kooxda”.
“Ciyaaryahan kasta wuxuu hormarin karaa qaab ciyaareedkiisa, ciyaartoyda wax ayay kala bartaan dhexdooda anigana wax ayaan ka faa’idaa oo aah ka bartaa”.