Hay’adda lacagta adduunka ee (IMF) oo warbixin soo saartay ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay buuxisay dhammaan 27-ki shuruudood oo uu Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF) ku xiray iney buuxiso si deymaha lagu leeyahay looga cafiyo Soomaaliya.
Magaalada Nairobi e dalka Kenya oo shir ay ku laaheeyeen saraakiil ka socotay Dowladda Soomaaliya oo wasiirka maaliyadda dalka ugu horeeyo iyo madax ka socotay hay’adda IMF ayaa looga hadlay Waxyaabaha u qabsoomay dowladda Soomaaliya gaar ahaan qorshaha horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka iyo dadaalka deyn cafinta iyo daabacaadda lacago cusub oo ay Soomaaliya yeelato.
“Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay dhisteen rikoodh wanaagsan oo siyaasadeed iyo dib-u-habeyn lagu sameeynayo,Hawlaha dhaqaalaha ayaa si tartiib ah dib uga soo kabanaya mudadii u dhaxeysey 2016-17-” ayaa lagu yiri warka ka soobaxay IMF
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale loogu baaqay in ay sii wada dadaalkeeda ku aadan arrimaha horumarinta maamulka iyo siyaasadda dhaqaalah adalka, waxaana ay deeq bixiyaasha caalamku so dhaweynayaan sida ay wax u waddo dowladda.
IMF ayaa sheegtay in waxqabadka maaliyadeed illaa July ee sanadkan 2018 in uu ahaa mid xooggan, taa oo keentay uruurinta dakhliga gudaha kana dhigtay lacag bixinta qadarka ah ee deeqda.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ay xooga saaraysay arrimo ay kamid yihiin horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,qorshaha deymaha looga cafinayo Soomaaliya iyo sidii loo soo daabici lahaa lacago cusub oo shilin Soomaali ah,iyadoo dhowr jeer ooh ore ay dowladdu buuxisay shuruudo ay ku xireen Deeq bixiyaasha caalamka.