Danjire Axmed Ciise Cawad oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u dhoofay Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay ee Dalka Mareykanka.
Wafdiga dowladda Soomaaliya u dirtay halkaasi ee wasiirka uu hogaaminayo waxey uga qeyb gali doona Fadhiga guud ee 73-aad ee Qaramada Midoobay oo looga hadli doono arrimo dhowr ah.
Wasiirka arrimaha diubadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya, isaga oo ka wakiil ah Madaxweynaha.
Waxaa xusid mudan in madaxweynaha uu ka baaqday shirkan oo madax kala duwan isugu imaanayaan waloow Madaxtooyadda Soomaaliya aysan shaacin sababta uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya uga baaqanayo markisii labaad shirka Fadhiga guud ee Qaramada Midaabay kaa oo ka furmaya Magaalada New York ee dalka Mareykanka.