Wararka laga helayo magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in Bandow lagu soo rogay qeybo kamid ah xaafadaha ay ka koobantahay magaalada, kadib markii falal liddi ku ah amniga ay geesteen kooxo looga shakisan yahay burcad.
Baaritaano amniga lagu sii adkeenayo ayaa ka socdo xaafado dhowr ah oo xiliyada habenkii lagu amray in aysan ka soo bixin guryahooda , waxaana gacanta lagu soo dhigay ilaa imika dhowr qof oo la sheegay iney ku lug lahaayeen amni darro ka taagan Gaalkacayo.
Shacabka magaalada ayaa walaac ka muujiyay Kooxo toorrey ku hubeysan oo dhaawacyo iyo dilal ka geysteen Xaafado ka mid ah Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Ujeedka laga leeyahay ciidamada badan ee lagu arkayo Gaalkacayo iyo Bandowga lagu soo rogay ayaa ah sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka Magaalada Gaalkacayo sida ay sheegeen saraakiil u hadashay Booliska.