Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta isagoo ka hadlaya arrimaha amniga ayaa waxa uu shacabka ka dalbaday iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si nabad galyada u noqoto mid hagaagsan.
Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in ay jiraan dad la shaqeeya kooxaha Daacish iyo Al shabaab waxaana uu shacabka ka codsaday iney u farmuuqaan oo laamaha amnigana ku wergeliyaan cidii shabaab ah iyo cidii la shaqeeya
Wadashaqeyntan uu shacabka ka dalbaday ayaa sahleysa sida uu sheegay in laga adkaado cid walbo oo amni xumo ka wadda Puntland.
Kooxaha hubeysan ee Al-shabaab iyo Daacisha ayaa weeraro ka dhex fuliya deegaannada Puntland, waxaana ay ku sugan yihiin dhulalka buuraleyda ah ee maamulkaasi.