Rajada laga qabo in Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland isku dib dhaafaan magaalooyoinka Hargeysa iyo Muqdisho ayaa haadan dheer laga tuuray, xili aad loo hadal hayay baryahan in M/weyne Farmaajo booqan doono Hargeysa sidoo kalena Muuse Biixi uu iman doono Muqdisho.
Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ah ra’isul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay maalmo yar ka hor in uu rajo ka qabo booqashada labada dhinac balse wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa shuruurd adag ku xeray hergrlinta arintaasi.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo og isbadallada ka socda gobalka gaar ahaan geeska Africa ayaa sheegay in Soomaaliya ay la heshiin doonaan marka ay aqoonsi iyo isfahan uu dhexmaro maamulada Muqdisho iyo Hargeysa.
Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul wasaare Ku xigeenka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in la bilaabi doono wadahadalada Soomaliya iyo Soomaaliland,isla markaana uu rajeynayo in Madaxweyne Farmaajo uu tago Hargeysa Madaxweyne Muuse Biixina uu yimaado Magalada Muqdisho.