Kalafadhiga xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta oo Isiniin Taariikhduna ku beeganbtahay 24-September 2018 waxa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan magaalada Muqdisho.
Waxaa kulanka shir gudoomin doono gudoomiyaha baarlamaanka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan waxaana Ajandaha kulanka uu yahay sii wadista dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka Soomaaliya oo soo maray Akhrinta koowaad.
Shaqo adag ayaa hortaalla xildhibaanada baarlamaanka Federalka Soomaaliya maadama lagu eedeeyay kalafadhigii seddexaad in aysan gudan shaqooyinkii hor yiilay, waxaana hadda socda diyaar garowga kulankaasi iyadoo amniga aad loo adkeeyay.