Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta sameeyay xilka qaadis iyo magacaabid waxaana ujeedkeeda lagu sheegay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha maamulka Puntland.
Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne ayuu xilka ka qaday madaxweynaha Puntland waxaana uu u magacaabay Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir).
Ma ahan markii ugu horeysay ee madaxweynaha Puntland uu xilka ka qaado gudoomiyaha gobalka Nugaal waxaase mas’uulkan xilka laga qaaday ka horeysay saddex gudoomiye.