Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmad oo ku sugan dalka dibadiisa ayaa baaq ku aadan dhacdooyin farabadan oo ka dhacay Muqdisho waxa uu u diray Madaxda iyo shacabka.
Shiikh Shariif ayaa Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeey dadkii eheladooda looga dilay dhacdooyinkii ugu dambeeyay, waxaana uu sheegay in uu ka xunyahay in qof Soomaali ah loo dilo guurka qof kale oo Soomaali ah, waxaana uu tilmaamay iney tahay nasiib xumo oo aan la aqbali karin in heybsooc dadka Soomaaliyeed isku-dilaan.
Culumada, dhaqanka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday iney meel ugu soo wada jeestaan lana cirib-tiro arrimaha takoorka ee bulshada dhexdeeda, isagoo xusay in aysan jirin qof Soomaali ah oo qof kale ka fiican.