Madaxweynaha dowlad deegaanlka Soomaalida Mustaf Cumar Cagjar ayaa ku amray dhalinyarada rabshadaha kawada magaalada Jijiga in ay joojiyaan, waxaana rabshadaha ay daba socdaan xubno katirsan ONLF oo soo gaaray deegaano katirsan maamulka dowlad deegaanka Soomaalida.
Sidoo kale madaxweynaha dowlad deegaanka ayaa ciidmada Booliska ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan cid walba oo rabshad sameeysa gaar ahaan dhalinyarada kuwaa oo qalqal geliyay amaanka magaalada Jigjiga.
Ciidamo badan oo Boolis ah ayaa lagu arkayaa magaalada Jigjiga iyo hareeraheeda waxaana ay dadka uga digayaan rabshadaha, wararka ayaa sheegaya in dhalinyaradan ayaa wataan calanka jabhadda ONLF oo magaalada gaaf wareegaya kuwaa oo ka soo horjeeda wafdi ka socda ONLF oo Jijiga yimid 20 sano kadib.