Saraakiil katirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in xilka laga qaaday qaar kamid ah taliyeyaasha saldhigyada Booliska gobalka Banaadir taa oo daba soocota amni xumi ku soo korortay magaalada Muqdisho, kuwaa oo in muddo ah xilka hayay.
Taliyeyaal dhalinyaro ah ayaa loo magacabaay saldhigyada Booliska dagmooyinka kala ah Kaxda, Waaberi, Warta Nabada, Xamar-jajab, Heliwaa, Shibis iyo Dharkenley.
Amniga caasimadda Muqdisho waxaa dhawaan gacanta loo geliyay ciidamada Booliska, iyadoo laga wareejiyay ciidankii xasilinta oo cabasho badan shacabka ka muujiyeenn