Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka hadlay muran ka dhashay hadal uu dhawaan jeediyay kaa oo ay ka caroodeen shacabka reer Koofur Galbeed.
War qoraal ah oo ka soobaxay madaxtooyada Puntland ayaa raali gelin looga bixiyay hadal ku jiray khudbad uu ka jeediyay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag kaa oo ahaa “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan”
Balse raaligelinta ayaa lagu sheegay in ujeedka hadalka uu ahaa mid aan sidaas loola jeedin waxaana lagu yiri “Dowladda Puntland waxaa ay u sheegeysaa shacab weynaha koonfur galbeed in Puntland iyo koonfur galbeed ay isku mid yihiin, kana mideysan yihiin ladagaalanka cadawaga Al-shabaab, isla markaana hadalka madaxweynaha uu quseeyey cadawga Puntland iyo koonfur galbeed ee Al-shabaab oo keliya”
Akhriso: Qoraalka ka soobaxay madaxtooyada Puntland