Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa difaacay Mesut Ozil oo ah ciyaartoy Jarmal ah balse asal ahaan ka soo jeeda Turkiga kaas ee dhaleecayn kala kulmay in uu sawir la galay hoggaamiyaha Turkiga.
Ozil oo 29 jir ah ayaa ciyaaraha qaranka ee kubbadda cagta ka fariisatay bishii Luulyo, isaga oo ku sababeeyay “in la midab takooray ixtiraam darrana looga muujiyay” dalka Jarmalka sawirrada uu galay awgeed.
Balse madaxweyne Erdogan ayaa yiri “Ma marjinaa ciyaartooygii Jarmal ah ee dalkeena ka ciyaara marka uu sawir la galo Hogaamiye Angela Merkel?”
Erdogan ayaa toddobaadkan booqan doona Jarmalka si uu isugu dayo in uu hagaajiyo calaaqaadka labada dal ee sii xumaanaya.
Madaxweynaha Turkiga oo waraysi siiyay warbaahinta Funke Mediengruppe ee dalka Jarmalka ayaa sheegay “in aysan jirin wax uu Ozil ka shalaayo”.