Xaaladda nabadeed ee bariga dhexe ayaa aad looga deeriyay waxaana jirta in dad badan oo shacab ah ay u dhinteen xasaradaha u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.
Ergeyga gaarka ah ee Qararamada Midoobay u qaabilsan bariga dhexe Nikolay Mladenov oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in faraha ay ka sii baxeyso xiisadda ka taagan dhulka Falastiiniyiinta oo ay ka dambeeyeen ciidamada Israa’il.
Waxaana suuragal ah in dagaal culus uu dhexmaro ururka Xamaas iyo ciidamada Yahuuda kuwaa oo salka ku haya gardarrada cad ee taliska Israel ku hayaan shacabka reer Falastiin.
Mr Mladenov ayaa xusay in istaraatijiyada madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabas, ee ah in la helo dal ay Falastiin leeyihiin iney abuuri kart halis ku jirto.
Dadaalka uu waday Maxamuud Cabas ayaa lamaja xaabiyay oo ahaa in wadaxaajood lagu dhameeyo arrinta Falastiiniyiinta.