Warbixin uu maanta daabacay Bangiga Adduunka ayaa lagu ogolaaday in $ 80 milyan oo deyn ah la siiyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si loogu maal-galiyo dib-u-habayn maaliyadeed oo ay wado Xukuumadda.
Mudadii 30-ka sano ee lasoo dhaafay, World Bank wax amah/deyn ah ma siinin Soomaaliya, maadaama aysan ka jirin dowladda hay’adaheeda maaliyadeed ay xoog badan yihiin, oo isla xisaabtan ka dhex-jiro.
Wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya waxa uu dib usoo billowday sanadkii 2013 xilligii ay dalka ka jirtay dowladdii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu hogaaminayay, oo soo shaqeysay 2012-2016.
Guddida fulinta Bangiga Adduunka waxuu ansixiyey maalgelin ah $ 60 milyan oo loogu talagalay Mashruuca Dib-u-habaynta maaliyadeed iyo bixinta kharashaadka dowladda gasho iyo $ 20 milyan oo loogu talagalay Mashruuca Xoojinta dakhliga gudaha iyo awoodda maamul maaliyadeed.
Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa la saadaaliyay in uu kordhi doono celcelis ahaan inta u dhaxeysa 3.5 ilaa 4.5 boqolkiiba sanadda 2019-2022, sida uu sheegay bangiga Adduunka.
Arrintan ayaa daba socota dib u habeyn balaaran oo ay sameysay wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya ee uu wasiirka u yahay Mudane Cabdiraxmaan Bayle.
Waxaana Soomaaliya ay latimid dhaqaale aan laga fileyn iyadoona IMF ay dhawaan shaacisay in shuruudihii deen cafinta Soomaaliya in ay soo buuxisay.