Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cumar Cagjar oo isbadal badan la yimid markii uu la wareegay talada maamulkaasi ayaa hadda qorsheynaya inuu dib u soo celiyo dhul badan oo lagala wareegay Shacabka daga magaalada Jigjiga.
Sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bartiisa baraha bulshada madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya ayaa lagu xusay in uu qorshaha yahay dhul si sharci darro ah ay kula wareegeen saraakiil ciidan oo katirsanaa maamulkii Cabdi Ileey.
Tallaabada uu ku dhawaaqay madaxweynaha waxaa aad u soo dhaweeyay Shacabka ku nool magaalada Jigjiga oo dhowr jeer cabsho aan waxbo laga qaban ka muujiyay dhul xoog looga qaatay.
Ballanqaadyadii madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida waxaa kamid ahaa inuu wax badan ka qaban doono cadaaladda iyo dib u soo celinta kala dambeynta sharciga.