• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Wednesday, January 20, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Barnaamij Waxbarasho

September 27, 2018
in Wararka
0
495
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta boqolaal Arday ah la wadaagay barnaamij cusub oo ku saabsan waxbarashada kaa oo Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya soo diyaarisay.

Munaasabadda oo aheyd mid lagu daahfurayay  barnaamijka dib u habaynta Waxbarashada Dadaweynaha ayaa sidoo kale lagu xoojinayay nidaamkii waxbarasho ee lacag la’aanta ahaa ee ka jiray dalka.

Mudane Maxamd Farmaajo oo khudbad dhinacyo kala duwan taabatay ka jeediyay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in waxbarashada ay tahay xuquuq aas aasi ah oo qof waliba oo kamid ah caruurta dalka ay tahay inuu helo isagoo intaa ku daray in nidaamkii waxbarasho ee  dawliga ahaa in la hergelin doono.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka ayaa soo bandhigtay qorshaha ku aaddan waxbarashada lacag la’aanta ah, iyadoona ku dhawaaqday in macalimiinta iyo maamulka dugsiyada ku biiray nidaamka waxbarashada dowliga ah ay ka mid noqon doonaan shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa munaasabaadi oo arday iyo madax katirsan wasaaradda waxbarashjada ay ku kulmeen lagu soo bandhigay manhajka mideysan ee waxbarashada, waxaana  khubarada Soomaaliyeed ee gacanta ku haysa manhajkaasi laga dalbaday in  ay xoogga saaraan kor u qadista wadaniyadda, isdhexgalka bulshada iyo kobcinta garaadka iyo garashada jiilasha soo kacaya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey dalladihii aan dowliga ah ee waxbarashada iyo aqoonyahannadii Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey samato bixinta waxbarashada dalka iyo badbaadinta mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed xilliyadii burburka.

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

January 17, 2021
Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Miinooyin ku leynayo saraakiisha ugu firfircoon ee C.Q.S

Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Miinooyin ku leynayo saraakiisha ugu firfircoon ee C.Q.S

January 17, 2021
Soomaali laga soo celiyay Mareykanka oo Muqdisho ka soo dagay iyo sababha ka dambeysa oo la ogaaday

Xog laga helay Soomaalida laga soo celiyayy Mareykanka iyo ujeedka ka dambeyb oo la ogaaday

January 17, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In