Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxa uu u sheegay iney kala shaqeeyaan sidii Iran looga baajin lahaa helidda hubka wax gumaada ee Nuclear-ka.
Shir goluhu iskugu yimid ayaa ka sheegay in ciddii u hogaansami wayda cunqabataynta dalkiisu saaray Iran ay “mudan doonto cawaaqib adag”.
Hase yeeshee madaxwaynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa si kulul uga jawaabay hadalkaa Donald Trump waxaana uu yiri ” Trump wuxuu ku takri falayo waa Golaha Ammaanka”
Maraykanka ayaa cunoqabatayntii mar kale dib ugu soo rogay Iran ka dib markii uu ka baxay heshiiskii caalamiga ahaa ee barnaamijka nukliyeerka Iran.
Madaxweynaha Iran ayaa sidoo kale sheegay in aan dunida maanta dalna mid kale u cago juglayn karin.