Midowga Yurub oo aad kaga warhaya horumarrada dhaqaale ee dalk ka socda ayaa waxa ay meelmariyeen dhaqaalihii ugu horreeyey ee abid ku tageerayaan miisaaniyadda Soomaaliya.
Miisaaniyadda Midowga Yurub waxa ay Soomaaliya heli doontaa dhamaadka sanadkan 2018 iyo 2021-da, waana aduun lacageed oo dhan €100 million.
Bisha October ee soo socota waxaa la fulin doonaa tallaabooyinka lagu heshiiyay ee Ilaalinta lacagta oo EU iyo Soomaaliya kala saxiixdeen,taa oo sahleysa in la dhiso awoodda dowladda Soomaaliya iyo maamul gobollleedyadeeda dalka.
Arrimahan waa weyn ee Soomaaliya u soo hoyday ayaa yimid markkii ay yaraatay cabsidii laga qabay in lacag lagu aamini dowladda, waxaana kalsoonida keentay qiimeyn lagu sameeyey habka hanti-dhawridda Soomaaliya,oo muujisay is bedello lagu sameeyey hab maamulka maaliyadda dalka.
Dowlad dhisidda iyo qandaraasyada adkeysiga ayuu sidoo kale ka taageeri doonaa Soomaaliya , waxa ayna xoojin doontaa heshiiska bulsho ee u dhexeeyey dowladda Federal-ka ah iyo iyo maamul goboleedyada iyada oo si tartiib tartiib ah u kordhin doonta awoodda mas’uuliyiinta Soomaalida u leeyihiin bixinta adeegyada aas aasiga ah.
Shalay ayey aheyd markii uu Bankiga aduunka ku dhawaaqay markii ugu horreeysay in Soomaaliya ay gacan ka heli doonto taageerada caalamiga ah ee horumarka ‘Interational Development Assistance iyaga oo dhaqaale taakulo ah siin doona dowladda Federal-ka markii ugu horreeysay 30 kaddib.
Bandhiga Media 2018