Khilaafka soo laablaabtay ee u dhaxeya madaxda Galmudug ayaa ragaadiyay howlo badan oo maamulkaasi uu qabsan lahaa waxaana gabi ahaanba meesha kabaxday shaqada laga rabay xukuumadda iyo maamulka Galmudug oo ay ugu horeeyaan in ay wax badan ka qabtaan dagaal beeleedyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee maamulkaasi.
Dad badan ayaa isweydiinaya maxaa soo celceliyay khilaafka aan xalka laheyn ee ka dhexjira madaxda Galmudug kuwoo oo sidoo kale lagu heshiisiiyay dhowr jeer gudaha dalka iyo dibadadda.
Waxa uu khilaafka u dhaxeeyaa Madaxweynaha Galmudug Axmad Ducaale Geelle Xaaf, ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabeey, gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casar, iyo madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir.
Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa sheegay xubha Aqalka Sare ee ka soo jeeda maamulkaasi iney yihiin kuwa ugu wanaagsan ee xalin kara khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug.
Waxaa la aamin sanyahay in aqalka sare xubnaha ka socday ee aaday Galmudug bartamihii bishan September in ay wax badan ogyihiin, ayna yihiin kuwa kaliya ee wax xallin kara.
Waxaa kaloo ay soo jeediyeen in la sameeyo isu tanaasul taa oo meesha ka saareysa in la iska horyimaado, gaar ahaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ah halka khilaafka madaxda Galmudug uu ka bilowday.