Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa markii uguhoreysay waxey u fariisatay dacwad ciqaabeed loo heysto eedeysanayaal lala xiriirinayo falal Musuq-maasuq ah kuwaa oo katirsanaa xukuumadda Federalka Soomaaliya ee hadda jirta.
Kiiska dhageysiga dacwadan Musuqa ah ayaa loo fariistay 27/09/2018 waxaana eedeysanayaasha kalayihiin Daahir Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha waaxda dib u dejinta Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka XFS iyo Maxamed Cumar Macallim oo ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gargaarka oo ahaa maqane.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa furay dacwadda iyadoo ay ka soo qeyb galeen xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmad Cali Daahir iyo ku xigeenadiisa iyo Qareenada difaacayay eedaysane Daahir Maxamed Nuur, waxayna Maxkamddu intaa kadib guda gashay Dhagaysiga Dacwadda loo heysta eedaysanayaasha.
Dood dheer kadib markii ay dacwadda furantay waxaa la go’aamiyay in markale la furo dhageysiga dacwadan oo ku began Khamiista soo socota.
Tan iyo burburkii dalka boqlaal kiis oo musuq ah ayaa la soo tabiyay iney ka dhaceen dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray balse majirin qof loo xiray lacag dowladeed oo la musuqay