Kulanka caadiga ah ee Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan ayaa maanta oo sabti ah waxaa looga doodi doonaa xeer hoosaadka Golaha Shacabka Soomaaliya.
Amniga goobta uu shirka ka dhacayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana socoda qaban qaabadii ugu dambeysay ee kulanka Xildhibaanada iyadoo ay xusid mudantahay in Arbadii aynu ka soo gudubnay uu baaqday kulankii Xildhibaanada.
Kalafadhiyada Baarlamaanka ayaa mararka qaar u baaqda Koorom la’aan ama tirade xildhibaanadii loogu talagalay oo aan buuxsamin taa oo caqabad ku ah golaha sharci dejinta dalka.