Dowladda Soomaaliya ayaa u -xusul duubeysa in laga qaado xayiraada hubka, si hub uu uga soo galo hawadda iyo baddda, laakin qaar badan oo ah waddamada reer galbeedka waxa ay ka walaacsan yihiin in arrintaas uu fursad u noqoto kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo ka hadlayay kulanka Golaha Qaramada Midoobay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ugu baaqay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa in ay ka qaado xayiraada dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya.
Axmed Ciise Cawad ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya guulo waa weyn ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab, islamarkaana haatan loo baahan yahay in awood lagu maquuniyo Al Shabaab.
Danjire Cawad waxa uu tilmaamay haddii cunaqabateynta laga qaado Soomaaliya ay uga dhignaan doonto in dowladda Soomaaliya ay hesho awood buuxda oo ay dib ugu hanan karto deegaanada ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.
Diblomayinta taageera Soomaaliya iyo kuwo xeriirka la leh ayaa waxa ay aaminsanyihiin in ay khatar ka dhalan karto hadii Somalia xayirada hubka saran laqaado sida dhowr jeer oo hore ay sheegeen waxaana ay ka cabsi qabaan in hubkaasi uu gacanta ay u galo Al-shabab.
Soomaaliya waxaa xayiraada dhinac hubka ah la saaray 1991-kii, xilligaasi oo ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka.
Soomaaliya ayaa dhowr jeer dalbatay in xayiradda hubka laga qaado balse waxaa laga cabsi qabaa in Al shabaab ay gacanta ku dhigaan hubka, siyaasiyeenta ayaa aaminsan kaliya in Soomaaliya hub loo ogolaan karo marka toos loo wiiqo Al shabaab.
Bandhiga Media 2018