Qorsheyaasha dhismaha iyo dib u soo celinta billicda dalka ayaa ka bilaabanaya magaalada Muqdisho kaa oo la gaarsiin doono dhamaan gobolada dalka sida ay sheegtay Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiin kala duwan oo ka socotay wasaaradda ayaa kulan arrimahani looga hadlayay ka sooo qebgalay oo Muqdisho lagu qabtay iyadoo laga wada hadlay sidii looga qeyb qaadan lahaa Barnaamijka Isxilqaan ee Madaxda Sare ee Dalka ay ku dhawaaqeen oo qeyb kamid ah ay tahay dib u soo celinta iyo bilicda dalka in laga shaqeeyo.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Jamaal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud Eng. Maxamed C/qaadir Yariisow ayaa kamid ah mas’uuliyiinta kulanka soo qaban qaabisay iyagoona sheegay in ay kala shaqeyn doonaan qaar kamid ah shirkadaha dalka.
Qorshayaal lagu dhisayo waddooyinka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho iyo Gobollada dalka ayeey sheegay Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay waddo islamarkaana ay sii dhameystiri doonto.