Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo digreeto soo saaray maanta ayaa waxa uu ku joojiyay dhismaha mashruuca wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacayo.
Sababta loo hakiyay dhismaha wadadaasi ayaa waxa uu madaxweynaha ku sheegay musuq-maasuq iyo isdabamarin ay wadaan shaqsiyaadka ku howlan dhismaha waddada, waxaana saraakiil katirsan maamulka Puntland ay sheegeen in ay wadaan baaritaano ku saabsan dadka la tuhun-sanyahay.
Wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacayo ayaa kamid wadooyinka bur-bursan ee aan helin wax dib u dhis ah waxaana la sheegay in dowlado kale ay ka caawinayaan Puntland dhismaha wadadan.
Bandhiga Media 2018