Real Madrid ayaa isbuucaan ciyaareysa kulankeedii labaad ee UEFA Champions League, waxeyna marti u tahay kooxda reer Russia ee CSKA Moscow, balse liiska lasoo daabacay ee u duulay dhulka qabow waxaa ka maqan afar xiddig oo waaweyn.
20 Ciyaartoy ayaa u duulay Russia, balse safarka markii horaba waa la ogaa ineysan ka qeyb noqon doonin labada ciyaartoy ee Isco Alcaron iyo Marcelo, sidoo kalana waxaa kusoo biiray liiska xiddigaha Sergio Ramos iyo Gareth Bale oo ay wax kusoo gaareen kulankii Madrid Derby.
LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:
Goolhayeyaal:
Keylor Navas, Kiko Casilla, Thibaut Courtois
Daafacyada: Dani Carvajal, Jesus Vallejo, Raphael Varane, Nacho, Alvaro Odriozola, Sergio Reguilon.
Khadka Dhexe:
Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Marcos Llorente, Marco Asensio, Dani Ceballos.
Weeraryahanada:
Mariano, Karim Benzema, Lucas Vazquez, Vinicius Junior.