Juventus ayaa lagu soo warramayaa iney markaan dooneyso iney magaalada Turin dib ugu soo celiso Zinedine Zidane kaas oo shaqo la’aan ah tan iyo markii uu iska casilay shaqadii tababaranimo ee kooxda Real Madrid, balse markaan lama dooneyso door tababare.
Sida lagu qoray wargeyska Tuttosport kooxda Juventus waxey dooneysaa iney Zinedine Zidane galiso doorka uu baneynayo Beppe Marotta, waxaana liiska maamulka cusub lagu dhawaaqi doonaa 25-ka October.
Wararka xanta ah ee sheegay in Zidane dib ugu soo laabanayo Juventus waxey soo baxeen bishii July markaas oo uu iska casilay xilka tababaranimo ee kooxda Real Madrid isagoo muddo 2-sano iyo bar u qaaday saddex koob oo horyaalada yurub ah iyo koobab kale.
Beppe Marotta wuxuu sheegay in go’aanka uu ka yimid maamulka kooxda isla markaana uu aqbalay si uu jaceylka taageerayaasha iyo kooxda qudheeda u ilaaliyo, wuxuuna wareysi siiyay 90Minuto sida lagu qoray Football Italia.