Ergayga Qaramada Midoobay ee u qaabilsanaa Soomaaliya Micheal Keating oo waqtigiisii dhamaaday waxaa badalaya Mr Nicholas Haysom oo si rasmi ah ula wareegay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Wakiilka cusub ee lagu bedelay Michael Keating wuxuu ahaa Safiirka Qaramada midoobe ee Dalalka Sudan iyo Koofurta Sudan, iyadoo labadaas dalna Safiir looga dhigay Bishii March ee 2016, Wuxuuna xafiiska si rasmi ah u fariistay bishii Jully 2016.
Sidoo kale, ergaygan cusub, Wuxuu ahaa Wakiilkii Qaramada Midoobe ee dalka Afghanistan 25-kii September 2014, Sidoo kale Nicholas “Fink” Haysom waa Qareen diirada saara arimaha dimuqraadiyada.
Nicholas Haysom waa diblumaasi u dhashay dalka Koonfur Afrika, António Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa 12-kii bishii hore usoo magacaabay Nicholas Haysom in uu noqdo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Xafiiska Qaramada Midoobay Soomaaliya ee UNSOM ayaa waxay shaqadiisu tahay inuu dhanka siyaasada ka caawiyo dowladda Soomaaliya, sidoo kalena uu gacan ka geysto dar-dar-gelinta howlgallada ciidamada AMISOM ay ka wadaan Somalia, waxaana Nicholas Haysom looga fadhiyaa inuu dardar geliyo howlaha dowladnimo ee dalka.