Inta badan hay’adaha caalamiga ah ee ka howlaga dalka waxaa u shaqeeya dad ajaanib ah kuwaa oo dibadda ay ka keensadeen, waxaana Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Eng. Cabdi Xakiin Cumar Camey uu ku amray hay’adahaasi in ay joojiyaan shaqaalaha dibadda ah ee ka howlga deegaanada Puntland.
Cabdixakiin Cameey ayaa sheegay in shaqo la’aanta ka jirta deeganaada maamulkaasi in ay ka dambeyso shaqaalaha ajaanibta ah ee dibadda laga keenayo kuwaa oo uu tilmaamay in dhalinyarada ku nool Puntland ay qaban karaan.
shaqo la’aantu ayuu sheegay madaxweyne ku xigeenka in ay sabab u tahay amni xumada iyo in Daacish iyo Al-Shabaab fursad u helaan inay dhalinyarada ku soo xero galiyaan lacago aan badnayn oo loogu adeegsanayo inay dalkooda ka dhigaan meel amni darro ah.
Guud ahaan Soomaaliya waxaa kajirta Shaqo la’aan Baahsan waxaana Soomaalida ay u badantahay dhalinyaro.