Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Ciraaq Barham Salih oo baarlamaanka dalkaasi u doorteen madaxweyne.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Barham in Allah xilkiisa u fududeeyo, iyo in ay mahadiyaan shacabka reer Ciraaq
xildhibaannada baarlamaanka dalka Ciraaq oo ka kooban 329 xubnood, 220 ka mid ah waxey codkooda siiyeen Madaxweynaha Cusub ee Dalka Ciraaq Barham Saalah oo ah siyaasi caan ka ah Dalkaas, isla markaana ka tirsan Xisbiga Kurdida ee [Patriotic Union of Kurdistan].