Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa toos u saxiixday kamid noqoshada Qaraarka Qarammada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada, waxaana magaalada New York ee dalka Mareykanka ku saxiixday Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin.
Golaha wasiirrada xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa 20-kii September kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku oggolaadeen in dawladda Soomaaliya ay kamid noqoto Axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah kaas oo golaha ay usoo gudbisay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka.
Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, ayaa lagu ansixiyay xarunta qaramada midoobay ee New York December 13, 2006, waxaana dalalkii ugu horeeyay ay saxiixeen March 30, 2007.
Soomaaliya ayaa noqoneysa Dalka 178-aad ee saxiixa Qaraarka Qaramada Midoobay ee Xaquuqda Dadka Naafada ah, iyaddoo Dawladda Soomaaliya u istaagtay ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah.