• About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact
Wednesday, January 20, 2021
  • Login
LISTEN
Bandhiga
LISTEN
  • Bogga Hore
  • Radio
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Caafimaadka
  • Ciyaaraha
  • English
Bandhiga
No Result
View All Result
Home Ciyaaraha

Manchester United oo go’aan ka gaartay Jose Mourinho

October 4, 2018
in Ciyaaraha
0
494
SHARES
1.4k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waqtigii Jose Mourinho ee kooxda Manchester United ayaa sii dhamaanaya, waxaana ay madaxda sare ee naadigu dhamaantood lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen, kuwaas oo ugu dambayn go’aamiyey in albaabka uu ka baxo macallinka reer Portugal.

Sida uu qoray wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK, tababare Jose Mourinho ayaa shaqadiisa waayi doona toddobaadka soo socda marka ay Manchester United booqato Newcaste United, halkaas oo natiijada kasoo baxda ay si degdeg ah uga falcelin doonaan madaxda sare oo uu hormood u yahay Woodward oo isaga laftiisa cadaadis lagu saarayo eriga Mourinho.

Manchester United ayaa la fahamsan yahay in go’aanka eriga ay degdeg u qaadan doonto isla marka ay helaan tababaraha xilka kala wareegaya oo markii hore la saadaalinayey inuu noqon doono Zinedine Zidane, hase yeeshee ay hadda soo baxayso in aanu doonaynin inuu xilligan la wareego naadiga kala daadsan, iyadoo ay warar kalena sheegayaan inuu Juventus kusii jeedo.

Maamulka sare ee Manchester United ayaa waxa ku qasbaya inay eryaan Mourinho laba sababood oo waaweyn oo aan suurtogal ka dhigaynin inuu sii joogo, kuwaas oo midka koowaad tahay natiijooyinka liita ee ay kooxdu soo hoynayso iyo arrinka labaad oo ah khilaaf ba’an oo u dhexeeya ciyaartooyada iyo Special One.

Guul-darradii Sabtidii kasoo gaadhay West Ham iyo khasaarihii weynaa ee ay kaga hadheen tartanka Carabao Cup oo ay Derby County oo heerka labaad ahi ka reebtay, ayaa waxay Manchester United u diiwaangelisay rikoodhkii ugu xumaa ee dhinaca natiijooyinka tan iyo sannadkii 1989-kii.

Halyeeyadii hore ee Red Devils ee Paul Scholes iyo Rio Ferdinand ayaa cusbo sii mariyey nabarka dawada loo la’yahay ee Mourinho iyo xaaladdiisa Old Trafford, waxaanay isku waafaqeen inuu doonayo in shaqada laga eryo, iyagoo si gaar ah u eegay hab-dhaqankiisii Sabtidii markii ay la ciyaarayeen West Ham.

Si kastaba ha ahaatee, natiijada ay Manchester United ka keento kulanka Sabtida ay ugu safrayso Newcastle United ayaa soo dedejin doonta in la eryo, amaba inuu maalmo kale cimriga sii dheeraysto.

 

 

Share198Tweet124Send
  • Trending
  • Comments
  • Latest

Liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

January 10, 2020

Xukuumadda Tehran oo cod dheer ku sheegtay in uusan gantaal soo ridin diyaaraddii Ukraine

January 10, 2020

Tobanka Dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida Sanadkan 2019

August 5, 2019

0

U.S. Senate grills President Trump’s pick for Somalia envoy over his past performance

0

Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay in ay jabhado hubeyneyso

0
Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

Faah-faahino ka soo baxaya askar iyo saraakiil qarax lagula eegtay deegaanka Tixsiile

January 17, 2021
Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Miinooyin ku leynayo saraakiisha ugu firfircoon ee C.Q.S

Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Miinooyin ku leynayo saraakiisha ugu firfircoon ee C.Q.S

January 17, 2021
Soomaali laga soo celiyay Mareykanka oo Muqdisho ka soo dagay iyo sababha ka dambeysa oo la ogaaday

Xog laga helay Soomaalida laga soo celiyayy Mareykanka iyo ujeedka ka dambeyb oo la ogaaday

January 17, 2021
Bandhiga

Copyright © Bandhiga

Navigate Site

  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

Follow Us

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Muuqaallada Bandhiga
  • Radio
  • Wararka
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • Caafimaadka
  • English

Copyright © Bandhiga

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Create New Account!

Fill the forms below to register

All fields are required. Log In

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In