Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo qaxootiga ayaa ka furmaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaa oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin katirsan Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federalka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad ayaa hogaaminayo Wafdiga ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ergayga UNHCR ee arrimaha qaxootiga Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey iyo madaxa hay’adda Filippo Grandi ayaa ka qeyb-galay kulanka.
Mas’uuliyiinta ayaa si gaar ah shirkooda diiradda ugu saarey qaxootiga Soomaaliya ee ku nool Yemen, Kenya iyo Libya, kuwaasoo UNHCR iyo dowladda Soomaaliya ka shaqeynayaan dib usoo celintooda.
Shirka Geneva ayaa la isku afgartay in qaxootiga kuwadooda u baahan inay si aan qasab ahayn inay dalka ugu laabtaan, loo fududeeyo safarkooda, islamrkaana lagu taageero waxay kusoo noqon lahaayeen iyo in la caawiyo markii ay dalka yimaadaan.
Bandhiga Media 2018